Somali Journalists Syndicate

Rabshad, Handadaad iyo Caqabadaha Ku Saleysan Jinsiga: Xaaladda Warfidiyeenka iyo Xorriyadda Warbaahinta ee Soomaaliya iyo Somaliland 2025
MUQDISHO, Soomaaliya – 10 Maarso 2026 – Sanadkii 2025 waxaa lagu asteeyay inuu ahaa sannad kale oo ay sii xumaatay xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada warfidiyeennada Soomaaliya, iyadoo wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta ay ku shaqeynayeen jawi sii kordhaya oo halis iyo cabsi leh. Diiwaanka uu ururiyay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa muujinaya in weerarrada lagu beegsaday suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ay sii kordheen intii lagu guda jiray sanadka 2025, taasoo muujineysa qaab cadaadis nidaamsan iyo nacayb sii kordhaya oo loo qabo warbaahinta madaxa bannaan.

Nasiib darro, labo suxufi ayaa lagu dilay Muqdisho. Saxafiga madaxa bannaan ee maxalliga ah Maxamed Abukar Dabaashe ayaa ku dhintay qarax argagixiso oo ay fulisay Al-Shabaab bishii Maarso, kaasoo lagu bartilmaameedsaday xaafad ay dad rayid ahi deggen yihiin. Sidoo kale Cabdifataax Cabdi Cismaan, oo ku magac dheeraa “Carab”, kana ahaa farsamayaqaan telefishan, ayaa bishii May waxaa toogtay nin hubeysan xilli uu ku sii jeeday shaqadiisa.

Intii lagu jiray sanadka, 22 saxafi ayaa la kulmay gacan qaad jireed iyo weerarro ay geysteen ciidamada ammaanka dowladda xilli ay shaqadooda gudanayeen. Afar iyo toban ka mid ah dhibbaneyaasha waxay ahaayeen wariyeyaal lagu weeraray Muqdisho, oo ay ku jireen laba haween ah. Somaliland gudaheeda, ciidamada ammaanka ayaa weeraray shan suxufi, mid ka mid ahna waxaa lagu riday rasaas nool kadibna waa la jir dilay.

Sanadkii 2025, 148 saxafi ayaa la kulmay tacaddiyo xarig sharci darro ah. Somaliland gudaheeda, 36 saxafi ayaa lagu xiray kuwaas oo badankood ka dhacay gobollada Ceerigaabo, Sanaag iyo Awdal, kuwaas oo ay ka jireen xiisado siyaasadeed oo sii kordhayay. Muqdisho ayaa hoggaamineysay tirada xadgudubyada warbaahinta iyadoo la diiwaangeliyay 118 kiis, oo ay ku jireen xarigyo sharci darro ah oo inta badan ay geysteen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo booliska. Shan ka mid ah dhacdooyinkaas waxay ahaayeen afduub ka dhan ah suxifiyiin.

Ku dhowaad 90 boqolkiiba saxafiyiintii si sharci darro ah loo xiray looma gudbin maxkamad, waxaana la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, badanaa kadib hal maalin ama dhowr maalmood oo ay xabsi ku jireen. In ka badan 10% xadgudubyada warbaahinta ee la diiwaangeliyay sanadkii 2025 waxay saameeyeen saxafiyiinta haweenka ah.

Sagaal kiis oo xadgudub warbaahineed ah ayaa laga diiwaangeliyay mid kasta oo ah Dowlad Gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, halka ciidamada amaanka Puntland ay geysteen 7 xadgudub. Maamulka Waqooyi-bari (hore loo oran jiray SSC-Khaatumo) ayaa xiray saddex wariye, Hirshabelle waxay xirtay labo suxufi, halka Jubbaland ay xirtay hal suxufi.

Sanadkii la soo dhaafay waxa kale oo la arkay qaab cadaadis hor leh oo loo adeegsaday dacwado iyo cadaadis sharciyeed. SJS waxay diiwaangelisay sagaal dhacdo oo dacwado hanjabaad sharciyeed ah iyo dacwado dacwado loogu talagalay in lagu aamusiiyo ka-qaybgalka dadweynaha oo lagu bartilmaameedsaday saxafiyiinta – oo ay ku jirto SJS lafteeda – si loogu cabsi geliyo loogana hor istaago shaqadooda. Mid ka mid ah kiisaskan sharciyeed ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday gabar saxafiyad oo ka hawlgasha Dowlad Gobolleedka Puntland.

Sanadkii 2025, guud ahaan sagaal xarumood oo warbaahineed ayaa la xiray ama laga mamnuucay inay shaqeeyaan, kuwaas oo ay ku jiraan shan ku yaalla Koonfur Galbeed Soomaaliya. Laba ka mid ah warbaahinta ha hawlgasha sugan Muqdisho ayaa sidoo kale bartilmaameed u noqday ciidamada ammaanka Soomaaliya. Somaliland gudaheeda, telefishan maxalli ah ayaa la xiray sababo la xiriira warbixin uu ka diyaariyay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Somaliland, halka mareegta wararka ee Hadwanaag News mar kale la hakiyay kadib markii hore looga qaaday xayiraad muddo dheer saarnayd.

Warfidiyeenka dumarka ah ee Soomaaliya ayaa si joogto ah ula kulma dhibaateyn internetka ah, cabsi gelin iyo ololeyaal masabidasho ah. Intii lagu jiray sanadka, SJS waxay diiwaangelisay weerarro soo noqnoqday oo online iyo qaar kale oo lagu beegsanayay haweenka warbaahinta. Saxafiyiinta dumarka ee Muqdisho ayaa si gaar ah u nuglaa, iyadoo jawiga siyaasadeed uu sii xumaaday xilli dood adag ay ka taagan tahay hannaanka doorashooyinka 2026. Isla waqtigaas, barakacinta qasabka ah ee qoysaska nugul ayaa sii kordhay gudaha Muqdisho, taasoo sababtay barakac ballaaran oo ka dhacay caasimadda.

Saxafiyiinta dumar ah ee kasoo warramay barakicinta qasabka ah ayaa la xiray, taasoo ku qasabtay qaar badan inay ka fogaadaan inay ka hadlaan ama baraha bulshada ay ku qoraan warbixinno laga yaabo inay ka careysiiyaan mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Puntland gudaheeda, saxafiyad ayaa la kulantay hanjabaado sharciyeed kadib markii ay baahisay wareysiyo aragti dadweyne ah oo la sheegay inay ka caraysiiyeen mas’uuliyiinta maxalliga ah ee Garowe. Dhacdooyinka noocan oo kale ah waxay kordhiyeen cabsi iyo is-xakameyn (self-censorship) ku timaadda haweenka ka shaqeeya warbaahinta.

Saxafiyiinta dumarka iyo soo-saareyaasha warbaahinta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo sheegay koror ku yimid xadgudubyo ay fududeysay teknoolojiyadda caqliga macmalka ah (AI), sida nuqul ka sameynta codadka, sawirro la farsameeyay, iyo waxyaabo been abuur ah oo internetka lagu faafiyo si loogu ceebeeyo ama sumcadda looga dilo saxafiyiinta dumarka ah. Weerarradan dijitaalka ah waxay sii noqonayaan hab kale oo lagu aamusiiyo codadka haweenka ee warbaahinta.

Suxufiyiinta dumarka ah waxay sidoo kale la kulmaan caqabadaha bulsho oo soo jireen ah ee ka hor istaaga inay qabtaan xilal hoggaamineed iyo go’aan-qaadashada ee hay’adaha warbaahinta Soomaaliyeed. Haweenku hadda waxay ka kooban yihiin qiyaastii 20% saxafiyiinta xirfadlayaasha ah ee Soomaaliya, waxayna haweenku ka mushahar hooseeyaan ragga inkastoo shaqo isku mid ah ay qabtaan.

Caqabadaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah in laga saaro go’aamada tifaftirka, maamul warbaahineed oo rag u badan yihiin, mushaharka oo aan loo sinneyn, iyo tacaddi galmo oo la xiriira shaqada ama shuruud looga dhigo horumarinta xirfaddooda. Xaaladahan waxay abuuraan deegaan shaqo oo cadaadis leh waxayna ka hor istaagaan suxufiyiinta badan oo dumar ah inay gaaraan jagooyinka hoggaanka ee hay’adaha warbaahinta.

Si wax looga qabto caqabadahan, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si firfircoon uga shaqeynayaa xoojinta awoodda saxafiyiinta dumarka iyada oo loo marayo tababaro, u-doodid iyo barnaamijyo wacyigalin ah, si loo abuuro deegaan warbaahineed oo ammaan badan, loo dhan yahay, isla markaana cadaalad ah gudaha Soomaaliya.

ENGLISH KU AKHRISO WARBIXINTA SANADLAHA EE XORRIYADDA SAXAAFADDA 2025

KU AKHRISO AF CARABI SOO KOOBIDDA WARBIXINTA

Suxufi ka soo warbixinayay bannaanbax looga horjeedo barakicinta shacabka oo Muqdisho lagu xiray ka dibna la geeyay maxkamad xilli weerarada warbaahinta ay sii socdaan
MUQDISHO, Soomaaliya, 24 November 2025 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigga sharci-darrada ah, handadaadda booliska iyo xoog kula wareegidda qalabka wariyaha Himilo Somali TV (Himilo Media), Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo yaqaan Saawey oo lagu xiray Muqdisho Jimcihii, 21 Nofeembar.

Galabnimadii Jimcaha, Cabdullaahi Maxamed Cali waxuu ka soo warramaayay banaanbax ka socday degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, kaas ay bulshada deegaanka uga soo horjeedeen barakicin khasab ah iyo boob dhul ku yaalla degmadaasi. Boolis hubeysan ayaa isku dayay inay rasaas ku kala eryaan dadka banaanbaxayay, taas oo nasiib darro keentay geerida laba qof oo rayid ah, oo uu ku jiro wiil 20 jir ah, sida ay ay baahisay warbaahinta.

Amarka rasaasta loo adeegsanayo dadka banaanbaxayay waxaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Omar Muumin, oo loo yaqaan Macalin Mahdi.

Goobjoogeyaal ayaa SJS u sheegay in boolisku ay garaacis iyo xarig isugu dareen wariye Cabdullaahi Maxamed Cali, xilli uu  ku guda jiray hawshiisa saxaafadeed. Waxaa goobta si dirqi ah uga baxsaday wariye Cumar Yuusuf Maxamed oo la socday suxufiga la xiray.

Cabdullaahi markii hore waxaa lagu hayay xarun boolis, ka dibna waxaa loo wareejiyay Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid halkaas oo lagu hayay illaa galabnimadii Isniinta. Qoyskiisiina waa loo diiday inay arkaan. Wuxuu sidoo kale SJS u sheegay in Sabtidii, 22 Nofeembar, dacwad-oogaha booliska uu si qasab ah u wareystay isagoo aan helin qareen ama wakiil sharci ah. Isniintii, 24 November, Cabdullaahi waxaa la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Wuxuu SJS u sheegay in lagu soo oogay eedo ay ka mid yihiin “abaabulka mudaharaadayaasha” iyo “kicinta bulshada.” Garsooraha ayaana sii daayay kadib markii ay xeer ilaalintu keeni weyday wax caddeyn ah marka laga reebo sheegashada booliska.

Cabdullaahi wuxuu intaas ku daray in dacwad-oogaha booliska, Nuraadiin Maxamed Xuseen (Jimcaale), uu ka qaaday telefoonkiisa oo ku qasbay inuu siiyo lambar sireedka. Waxaa la sheegay in dacwad-ooguhu uu ahaa mid caro badan ay ka muuqatay, isla markaana dhowr jeer ku celceliyay in Taliyaha Booliska Banaadir, Macalin Mahdi, “u neceb yahay suxufiyiinta u shaqeeya Himilo Media.”

Inkasta oo la sii daayay Cabdullaahi, maamulka Himilo Media waxay SJS u sheegeen in qalabkoodii aan dib loogu soo celinin, oo ay ku jiraan kamarad dijitaal ah, makarafoono, tripod iyo layrarka kaamirada. Markay isku dayeen inay soo ceshadaan galabnimadii Isniinta, waxaa loo sheegay in Taliyaha Booliska, Macalin Mahdi, uu amray in qalabka laga hayo.

Barakicinta khasabka ah ee lagu hayo bulshooyinka nugul ayaa si xawli ah ugu kordhay Muqdisho. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsato iyo siyaasiyiin uu xiriir dhow la leeyahay ay yihiin dadka ugu badan ee ka macaasha iibinta dhulka guud ee dowladda, hantida dowladda iyo mararka qaar xitaa dhulal gaar loo leeyahay oo si xoog ah looga qabsado milkiilayaashooda sharciga ah.

Suxufiyiinta tabiya arrimaha barakicinta ayaa si joogto ah loo bartilmaameedsadaa, halka qaar badan oo warbaahinta maxalliga ahna ay ka gaabsadaan arrintaan si aysan u noqon kuwa la beegsado. Dhacdadii Jimcaha 21 November, waxay ka dhacday dhul hore u ahaan jiray dhul dowladeed oo ku yaalla Yaaqshiid, waqooyiga Muqdisho, kaas oo noqday deegaan dadweyne tan iyo 1960-meeyadii, ayna haystaan dukumiintiyo lahaansho oo ay siisay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee hore. Warbaahinta maxalliga ah, oo ay ku jirto Himilo TV, ayaa baahisay in ganacsato musuqmaasuq ah iyo mas’uuliyiin dowladeed ay isku dayayeen inay si sharci-darro ah u qabsadaan dhulka una barakiciyaan dadka deegaanka.

“Xariggan sharci-darrada ah ee loo geystay saaxiibkeen wariye Cabdullaahi Maxamed Cali (Saawey) ee Himilo Media waa weerar cad oo aan la aqbali karin oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda. Tabinta barakicinta khasabka ah—waa arrin si toos ah u taabaneysa danaha guud iyo xuquuqda aadanaha—ma aha dembi; waa waajibka asaasi ah ee suxufiga,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Mumin.

“Waxaan ka dalbaneynaa booliska Muqdisho iyo taliyahooda inay si degdeg ah u joojiyaan ol’olaha handadaadda iyo cabsi-gelinta ah ee lagu beegsanaayo suxufiyiinta. Adeegsiga awoodda dowladda si loo aamusiyo warbaahinta sida Himilo TV oo soo bandhigta musuqmaasuqa waa inuu  istaagaa. Sidoo kale, waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah dib loogu soo celiyo dhammaan qalabka la haysto, kaas oo si sharci-darro ah ugu jira gacanta Taliyaha Booliska, Macalin Mahdi, oo u muuqata inuu ugu talagalay ciqaab ahaan,” ayuu yiri Abdalle Mumin. “Runta laguma qarin karo karo xarig aan sharci lahayn ama qabsashada kaamaradaha.”

Sawirro ay heshey SJS ayaa muujinaya askari ka tirsan dharcadka Nabadsugidda ee NISA oo wariyayaasha joojiyay xilli ay wareysiyo ku jireen kahor intaan loo kexeynin saldhigga 16 Nofembar 2025.

Dhanka kale, 16 November, koox wariyayaal ah ayaa waxaa hakiyay saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) xilli ay qaadayeen wareysiyo dadweyne (vox-pop) oo la xiriiray doorashooyinka lagu muransan yahay ee Soomaaliya. Kooxda waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Cabdullaahi Cabdikadir Axmed (labaduba ka shaqeeya Himilo Media), Cabdiraxmaan Maxamed Waaberi (wariye Madax-bannaan), iyo Cali Xasan Guure (muuqaal duube ka tirsan Risaala Media) oo ay weheliso Hamda Xasan Axmed (Wariye Risaala).

Wariyeyaashan waxaa markii hore loo jiheeyay saldhig boolis oo u dhow, balse waa la sii daayay ka hor inta aan la gaarsiinin. Wariyeyaashu waxay SJS u sheegeen in lagu amray inay bixiyaan kharashka mootadii lagu qaaday ,waxaana la sii daayay kadib markii ay bixiyeen lacagtaas.

HALKAN KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH

Soo-noqoshada Mahad Salaad ee NISA waxay calaamad u tahay halista soo foodsaartay saxaafadda Soomaaliya markale
MUQDISHO, Soomaaliya – 16 Juun 2025 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu muujinayaa walaac aad u xooggan oo ku aaddan magacaabista Mahad Maxamed Salaad mar kale loogu magacaabay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), tallaabadaas oo aan u aragno in lagu abaalmariayay dembiyadii baaxadda lahaa ee sida weyn loo diiwaangeliyey oo uu u geystay suxufiyiinta madaxbannaan, hay’adaha warbaahinta, iyo bulshooyinka nugul—kuwaas oo inta badan loo adeegsaday hanjabaad, cabsi gelin, iyo falal rabshado wata.

Mahad Salaad markii ugu horreysay waxaa loo magacaabay Agaasimaha NISA 26 May 2022, balse waxaa xilka laga ceyriyay 4 Abriil 2024 kadib eedeymo culus oo la xiriiray weerarro lala beegsaday hay’adaha warbaahinta, ururada bulshada rayidka ah, iyo beelaha laga tirada badan yahay, sida ay weriyeen warbaahinta.

Nasiib darro, wax baaritaan ah laguma samayn dambiyadiisa. Waxaase dib loo magacaabay 1 Juun 2025, isaga oo si rasmi ah xafiiska ula wareegay Sabtidii, 14 Juun.

Intii uu Mahad Salad xilka hayay, suxufiyiinta ku sugan Muqdisho iyo meelo kale ayaa lala beegsaday weeraro uu isagu abaabulay, fuliyay ama amray. Weeraradaas waxaa ka mid ahaa weerarkii arxan darrada ahaa ee Xafiiska SJS, afduubkii Xoghayaha SJS, Abdalle Mumin, afduubkii Xoghayaha Warfaafinta SJS, Maxamed Bulbul.

Waxaa sidoo kale uu Mahad Salaad abaabulay weeraro lagu beegsaday bulshada rayidka ee nugul oo ay ku jiraan dhallinyaro, ganacsato iyo noocyada kala duwan ee dadweynaha.

SJS waxay diiwaangelisay dhacdooyinkaasi.

SJS waxay mar kale xustay in la xisaabtanka Mahad Maxamed Salaad oo lagula xisaabtamo dambiyadiisii ay noqon karto tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjari karo dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ee sida qotoda dheer ugu baahay dalka— oo aan kaliya ku ekeyn weerarada loo geystay suxufiyiinta, balse sidoo kale xadgudubyada ballaaran ee lagu beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ugu nugul muddadii uu xilka hayey—taasoo gacan ka geysan karta nabad waarta, xasillooni siyaasadeed, iyo soo celinta sharciga iyo kala dambeynta dalka.

“Intii la geyn lahaa maxkamad laguna qaadi lahaa oo lala xisaabtami lahaa, dowladda Soomaaliyeed waxay ku abaal marin u siisay Mahad Maxamed Salaad dambiyadiisa, taasoo sii xoojinaysa xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SJS, Maxamed Ibraahim. “Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Soomaaliyeed inay si degdeg ah dib ugu eegto go’aankan, Mahad Salaad xilka laga qaado, lana hor keeno cadaaladda. Dadkii uu tacaddiyada u geystay waxay mudan yihiin caddaalad iyo ilaalin. Waa in aan mar kale la siinin fursad uu ku geysto dembiyo kale oo cabsi iyo arxan darro wata.”

“Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa beesha caalamka—gaar ahaan ururrada u dooda xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqul insaanka—inay codkooda ku biiriyaan una istaagaan in la helo caddaalad. Dhibbanayaashii ay tacaddiyadiisu saameeyeen wali waxay sugayaan caddaalad,” ayuu sii raaciyay Mr. Ibraahim.

Halka ka akhri war saxaafadeed ay ku jiraan kiisaskii ay diiwaangalisay SJS

SJS waxay ugu baaqday NISA inay saraakiisha ka qaadato xarunta Himilo Somali TV, ayna joojiyaan hanjabaadaha ku qasbay tafatiraha TVga inuu dhuumasho galo
MUQDISHO, Soomaaliya, 08 November, 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa walaac xooggan ka muujiyay hanjabaado maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay kula kacayeen Wariyeyaasha ka howlgala TV-ga Himilo ee magaalada Muqdisho ee Muqdisho. Caga-juglayntan ayaa ku qasabtay tifaftirihii Himilo Somali TV inuu dhuumasho galo.

Maalintii Khamiista, 31 Oktoobar, Tifaftiraha Himilo Somali TV, Nuur Cabdiraxmaan Nuur, ayaa warbixin ka diyaariyay xirnaanshaha goobaha ganacsi ee ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo ka warbixiyay mowjado dilal ah oo lala beegsaday xubno ka tirsan ganacsatada Muqdisho. Weeraradan, oo loo aaneynayo Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay jawaab u yihiin milkiilayaasha ganacsiga oo u hoggaansamay amarkii dowladda ee ahaa in goobahooda lagu rakibo kaamirooyinka CCTV. Warbixinta wariye Nuur oo SJS ay dib u eegtay, ayaa xustay in milkiilayaasha ganacsiyo badan “ay ka baqeen furitaanka dukaamadooda sababo la xiriira beegsiga kooxda Amniyaatka al-Shabaab”.

Warbixintaas ka dib, Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA ayaa gudaha u galay Xafiiska Himilo Somali TV ee Muqdisho, iyagoo baadi-goobaya Wariyaha oo aan xilligaasi joogin, sida ay sheegeen aas-aasaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha telefishanka. Labo ka mid ah shaqaalaha ayaa SJS u sheegay in saraakiisha NISA ay maalintaas talefoon u soo direen, iyaga oo ka dalbaday in warbixinta la tirtiro iyaga oo ku hanjabay in cawaaqib xun ay ka dhalan doonto. Hanjabaadahaas dartood, tifaftirayaasha Himilo Somali TV ayaa u hoggaansamay iyagoo boggooda ka saaray warbixinta.

“Maalintaas wixii ka dambeeyay, maalin walba waxaa bannaanka istuudiyahayaga ku aragnaa saraakiil ka tirsan NISA, oo indhaha nagu haya. Waxa kale oo ay nagula soo xiriiraan talefanka iyagoo na waydiinaaya halka uu ku sugan yahay tafatirahayaga Nuur Cabdiraxmaan Nuur,” ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiinta telefeshanka Himilo oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo ammaan dartood.

Telefiishanka Himilo Somali TV ayaa warbixin ka diyaariyey xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho oo sii xumaanaysa. Warbixinta ayaa meesha laga saaray ka dib markii la baahiyay 31 October 2024. | SAWIR/ Sawir laga qaaday muqaal.

Taasi waxay keentay in Nuur Cabdiraxmaan Nuur uu galo xaalad dhuumasho ah, oo uu awoodi waayo inuu shaqadiisa warbaahineed sii wato. Wuxuu u sheegay SJS inuu u baqayo ammaankiisa, taas oo ku kaliftay inuu go’aansado inuu ku jiro xaaladda dhuumashada ah.

SJS ayaa ogaatay in koox ka tirsan NISA oo ka howlgala afar degmo oo Muqdisho ka tirsan oo kala ah Hodan, Hawlwadaag, Xamar Jajab, iyo Waaberi ay ku faafiyeen sawirka iyo magaca Nuur ee WhatsApp group-ka, iyagoo dadka ka codsaday inay soo sheegaan xog kasta oo ku saabsan halka uu joogo. Horraantii todobaadkan, ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan NISA, oo watay sawirka Nuur, ayaa la sheegay inay weerareen guri uu degan yahay mid ka mid ah eheladiisa, iyagoo ka wareystay halka uu ku sugan yahay.

Geesta kale, Isniintii 28-ka Oktoobar, laba wariye oo ka tirsan Telefishanka Himilo Somali TV, Ibraahim Cabdiweli Guuleed (weriye) iyo Yaxye Maxamuud Xirsi (muuqaal duube), ayaa shan saacadood lagu hayay deegaanka Daaru Salaam, iyagoo garaacitaan ay u geysteen ciidamada NISA. Labada suxufi ayaa xilligaas soo tebinayay falkii ay Al-Shabaab ku khaarajisay ganacsato reer Muqdisho ah oo lagu dilay deegaanka Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

SJS waxay aad uga walaacsan tahay hanjabaada iyo caga-jugleynta lagula kacayo suxufiyiinta Himilo Somali TV iyo tafatirahooda. Waxaan usoo jeedinaynaa NISA in ay joojiso doon-noonista wariye Nuur Cabdiraxmaan Nuur iyo in ay ka qaataan xubnaha NIS ee ku sugan bannaanka hore ee xarunta Himilo Somali TV. SJS waxay garab taagan tahay suxufiyiinta Himilo Somali TV, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay la kulmayay hanjabaado aan loo meel dayin.

“Waa wax laga naxo oo laga murugoodo in, halkii ay sugi lahaayeen amniga muwaadiniinta iyo ganacsatada Muqdisho, in hay’adda NISA ay sameyso howlgallo iyo hanjabaado ay suxufiyiinta ku beegsanayaan iyadoo sababtu tahay soo tebinta fashilka amniga,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Mumin. “Waxaan ugu baaqaynaa NISA inay joojiso hanjabaadahaas oo ay kala baxdo dhammaan xubneheeda ku sugan bannaanka xafiisyada Himilo Somali TV. Laamaha ammaanka ee Soomaaliya waa inay ilaaliyaan shacabka, ee maaha inay beegsadaan suxufiyiinta.”

“Suxufiyiintu waa inay dareemaan ammaan marka ay ka warbixinayaan arrimaha danta guud, oo ay ku jiraan cilladaha dhinaca amniga. Suxufiyiinta waxay matalaan bulshada oo ay ku jiraan ganacsatada oo aad uga murugeysan mowjadaha dilalka ah ee ka dhacaya Muqdisho, warfidiyeenka ayaa ah codka kaliya ee bulshada ay leeyihiin,” ayuu mudane Mumin hadalkiisa ku daray.

Maalinta Dhameynta Isla Xisaabtan La’aanta: SJS iyo saxafiyiinta Gaalkacyo oo xusay suxufiyiintii la dilay, kuna baaqay caddaalad
MUQDISHO, Soomaaliya 2 November 2024 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Dhameynta Tacaddiyada ka Dhanka Warfidiyeenka darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in cadaaladda la horkeeno kuwa dilay suxufiyiinta Soomaaliyeed.

SJS waxay si gaar ah ugu baaqeysaa in baaritaan madax-bannaan oo daacad ah lagu sameeyo kiisaska la xiriira dilalka suxufiyiinta, iyada oo ujeeddadu tahay joojinta isla xisaabtan la’aanta.

Tan iyo sannadkii 2019, marka SJS ay bilaawday diiwaangalinta kiisaska dilka suxufiyiinta, waxaa Soomaaliya lagu dilay 12 saxafi (labo dumar ah iyo toban rag ah), kuwaas oo loo dilay xirfadooda saxaafadeed. Maanta, waxaa la xusuusanayaa suxufiyiintaas oo naftooda ku waayey howlahooda, taas oo xusuusinaysa muhiimadda ay leedahay in la helo xal waara oo la xiriira amniga suxufiyiinta iyo in la joojiyo falalka ciqaab la’aanta ah ee ay ku suntan tahay Soomaaliya.

Maxamed Cumar Sahal – oo lagu dilay magaalada Kismaayo, 12-kii July 2019

Hodan Naaleeye – Waxaa lagu dilay Kismaayo, 12 Luulyo 2019

Cabdinaasir Cabdulle Gacal – oo lagu dilay Awdheegle, 14 Ogosto 2019

Saciid Yuusuf Cali – Waxaa lagu dilay Muqdisho, May 4, 2020

Cabdiwali Cali Xasan (Cabdiwali Online) – Waxaa lagu dilay Afgooye, 16-kii February 2020

Cabdicasiis Maxamuud Guuleed – Waxaa lagu dilay Muqdisho, 20 Noofambar 2021

Jamaal Faarax Aadan – Waxaa lagu dilay Gaalkacyo, 1-da Maarso 2021

Maxamed Ciise Koonaa – Waxaa lagu dilay Muqdisho, 29 Oktoobar 2022

Axmed Maxamed Shakuur – Waxaa lagu dilay Basra (Shabeelada Dhexe), 30kii Sebtembar 2022

Cabdifitaax Macallin Nuur (Qeys) – Waxaa lagu dilay Muqdisho, 16-kii Oktoobar 2023

Cabdikariin Axmed Bulxan – Waxaa lagu dilay Caabudwaaq, 14-kii Maarso 2024

Amuun Cabdullaahi Maxamed – Waxaa lagu dilay meel u dhow Afgooye, 18-kii Oktoobar 2024

Suxufiyiinta magaalada Gaalkacyo. | PHOTO/SJS.

Nasiib darrose, in ka badan 85 suxufi – oo isugu jira saxafiyiin gudaha iyo dibadda ah – ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 1992-kii, iyadoo inta badan kiisaska aan la xallin, taasoo qoysaska wariyaasha la dilay ku beertay murugo dheer. Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo xarunta dowladda federaalka ayaa 85% ah halka ay ka dheceen dilalkan, waxaana ku xiga magaalada Gaalkacyo oo ah magaalo u kala qeybsan maamullada Puntland iyo Galmudug ee gobolka Mudug.

Maanta, iyadoo lala kaashanayo bahda warbaahinta gudaha, SJS waxay ku biirtay saxafiyiinta iyo qoysaska saaxiibadii ku dhintay Gaalkacyo si ay u xusuustaan saxiibadii la dilay, iyo in la xoojiyo baaqa ah joojinta isla xisaabtan la’aanta. Isku soo wada duuboo, SJS ayaa soo saartay barnaamij dukumintari ah oo muujinaya xannuunka joogtada ah ee suxufiinta Gaalkacyo, iyadoo wariyaasha iyo qoysaskooda ay sii wadaan la tacaalida murugada.

Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, oo ah wariye ka tirsan Radio Daljir, ayaa ka warramay dhibka iyo xanuunka uu dareemayo ee ka dhashay dilkii saddex wariye oo saaxiibbadiis ahaa.

Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, oo ah wariye ka tirsan Radio Daljir. | PHOTO/SJS.

“Weli waxaan dareemaa dareen damqasho leh. Aniga saddex qof oo saaxiibaday ahaa ayaa la dilay. Aniga ahaan waxaa jirtay xataa mar  in aan ku dhawaaday inaan shaqada ka tago, laakiin markii dambe waxaan go’aansaday inaan sii wato. Waxaan rabaa inaan ugu baaqo xukuumadda inay diiwaan geliso dhammaan suxufiyiinta la dilay oo ay daryeel siiso qoysaskooda,” ayuu yiri Xuseen Madar.

Taliyaha howl-gallada Booliska Gaalkacyo, Dhamme Carab Cabdirisaaq Axmed, ayaa SJS u sheegay in inkastoo aan la ciqaabin, haddana saxafiyiinta Gaalkacyo waxay dareemayaan ammaan ka badan sidii ay ahaayeen toban sano ka hor.

“Suxufiyiinta waa la dilay, sidoo kale madax dowladda ayaa la dilay. Qaar ka mid ah gacan ku dhiiglayaasha oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la soo qabtay, laguna xukumay, qaarna la toogtay. Si kastaba ha ahaatee, haddana waxaan dhihi karaa way ka wanaagsan tahay sidii ay ahayd toban sano ka hor,” ayuu yiri Dhamme Carab, isagoo xusay in wada-shaqeyn dhow ay dhexmarto booliiska Puntland ee Gaalkacyo iyo hay’adaha warbaahinta gudaha iyo warfidiyeenka.

Taliyaha howl-gallada Booliska Gaalkacyo, Dhamme Carab Cabdirisaaq Axmed. | PHOTO/SJS.

Waxa uu sheegay in boolisku ay hadda ka jawaabaan warbixin kasta oo ku saabsan hanjabaadaha ka dhanka ah suxufiyiinta, inkastoo ay xaddidan tahay awoodda booliska.

Tan iyo 2021, SJS waxa ay bixisay tababaro xirfadeed oo joogto ah si kor loogu qaado badbaadada iyo amniga saxafiyiinta maxaliga ah, rag iyo dumarba, labada dhinac ee Gaalkacyo. SJS waxa ay ku faraxsantahay in tababaradani ay ka qayb muhiim ah ku kordhiyeen kor u qaadida badbaadada shaqaalaha warbaahinta.

“Lix sano ka dib markii aan bilownay diiwaan gelinta weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliya, waxaan ku laabaneynaa Gaalkacyo—magaaladaas oo caan ku ah in ay tahay magaalada labaad ee ugu dhimashada badan marka laga reebo Muqdisho. Wareysiyo iyo booqashooyin aan ku tagnay xarumaha warbaahineed ee ay wariyaashani mar ka shaqeynayeen, waxaan ku soo aragnay xanuunka iyo murugada joogtada ah ee soo wajahday asxaabtooda iyo qoysaskooda,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Muumin.

“Maalintan, waxaan hoosta ka xarriiqaynaa baaqeena ah inay dhammaato isla xisaabtan la’aanta dhammaan suxufiyiinta lagu dilay Soomaaliya iyo inaan u oggolaanno qoysaska dhibanayaasha cadaaladda ay mudan yihiin. Suxufi kasta oo la dilay waxa uu mudan yahay in si dhab ah oo madax-bannaan ah loo baaro, iyada oo aan loo eegin cidda ku lugta leh, sida saraakiisha dawladda, Al-Shabaab iyo dembiilayaasha kale,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Muumin.

Fiiro gaar ah: Kadib lix sano oo dukumeenti buug iyo qalin ah, SJS waxay uga mahadcelinaysaa taageerada ay ka heshay National Endowment for Democracy (NED), taas oo SJS u sahashay in ay u guurto habka xog-ururin online ah oo lagu diiwaangeliyo, laguna keydinayo xogta xad-gudubyada xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya iyo Somaliland.  Booqo data.sjsyndicate.org.

Xannibaadda warbaahinta ee Golaha Shacabka Soomaaliya waa mid aan la aqbali karin, waana in deg deg looga laabto
MUQDISHO, Soomaaliya 15 Sebtembar 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaaraynayaa xannibaadda lagu soo rogay warbaahinta kasoo warrameysa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Tani waa tallaabo cusub oo lagu xakameynayo saxaafadda Soomaaliya, taas oo lagu doonayo in lagu aamusiyo codadka dhaliisha ee ka hadlaya walaacyada socda ee ku saabsan xiisadda u dhexeysa Masar iyo Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

6 Sebtembar, agaasinka warbaahinta ee Baarlamaanka ayaa ogeysiis u diray suxufiyiinta, isagoo ka mamnuucay inay la yeeshaan wareysiyo Xildhibaanada ama inay duubaan warbixinno caadi ahaan ay ku siiyaan sharci-dejiyeyaasha warbaahinta bannaanka ka dib kulamada Baarlamaanka. Fariintaas,uu soo saaray agaasimaha warbaahinta ee Xafiiska Guddoomiyaha, looguna diray WhatsApp-ka suxufiyiinta ka soo warrama Baarlamaanka ayaa ahayd: “Dhammaan warbaahinta ka howlgasha Golaha Shacabka, waxaa lagu wargalinayaa in la mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabanayo gudaha xarunta Golaha Shacabka, oo uu ku jiro bannaanka Hall-ka Golaha. Sidoo kalena la mamnuucay in halkaasi wareysiyo lagu qaado.”

Nuqulka farriinta loogu diray warbaahinta barta WhatsApp-ka.

Isniinta, 9 Sebtembar, dhowr xildhibaan oo mucaarad ah ayaa ka soo horjeestay xannibaadda, iyagoo ku sifeeyay inay tahay iskuday lagu aamusiinaayo codadka xildhibaanada mucaaradka. Ugu yaraan saddex xildhibaan oo ka hadlay shir saxaafadeed maalintaas gudaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay xannibaadda inay tahay hanjabaad toos ah oo lagu caburinayo xildhibaanada muujinaya aragtiyo ka soo horjeeda kuwa dowladda.

Kadib shirkaasi saxaafadda, agaasimaha warbaahinta ee Baarlamaanka ayaa ku wargaliyay warbaahinta inay baahinin faalloyinka xildhibaanada mucaaradka ee lagu soo duubay gudaha Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Radio Risaala ayaa u sheegay SJS inay go’aansadeen inay sii daayaan hadallada xildhibaanada inkasta oo ay jirto xannibaad.

Arbacada, 11 Sebtembar, labo suxufi oo ka tirsan Radio Risaala— Cabduqaadir Maxamed (wariye) iyo Mohamed Said (sawirqaade)—ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Baarlamaanka. Markii ay raadiyeen sharraxaad, agaasimaha warbaahinta ee Baarlamaanka ayaa u sheegay maamulka Radio Risaala in xannibaaddu ay la xiriirto go’aanka Warbaahinta Risaala ee ah inay baahiyaan faalloyinka xildhibaanada.

10 Sebtembar, Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa kula kulmay xafiiskiisa dhowr agaasimayaal warbaahinta ee Muqdisho. Laba ka mid ah ka qaybgalayaasha kulanka ayaa SJS u sheegay in intii lagu guda jiray doodda, Guddoomiyaha uu sharraxay in xannibaadda warbaahinta ee Baarlamaanka ay “khusayso xildhibaanada mucaaradka ee ka faalloonaya arrinta Itoobiya iyo Masar.” Wuxuu intaa ku daray in “xannibaaddu ay socon doonto dhowr toddobaad.”

Sidoo kale, Khamiista, 12 Sebtembar, Madaxweynaha Xasan Sheekh Mohamud ayaa casuumay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah agaasimayaasha warbaahinta ee maxalliga ah, kuwaas oo lagu doortay hab qabiil. Sida qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha ay u sheegeen SJS, Madaxweynaha ayaa u sheegay agaasimayaasha warbaahinta inay la shaqeeyaan dowladda si ay uga hortagaan wax uu ku sheegay “dadka cadawga ku ah maamulkiisa.” Sida ay sheegeen ka qaybgalayaasha, oo codsaday inaan magacyadooda loo adeegsan warbixinta, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyay warbaahinta inay taageeraan dowladiisa oo uu sheegay inay wajahayso “dagaal ku aaddan Itoobiya iyo kuwa taageeraya.”

Kulankani wuxuu dhacay laba maalmood ka dib markii Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu khudbad u jeediyay kulan ka dhacay magaalada Baydhabo, isaga oo uu muujiyay taageero dadka gobolka Bakool. Bishii hore, dadka deggan Xuddur iyo Waajid, oo ah laba magaalo oo ka tirsan Bakool ee maamulka Koonfur-galbeed, ayaa muujiyay diidmo ka dhan ah keenitaanka la sheegay in la keenaayo ciidamo Masaari ah iyo saarista ciidanka nabad ilaalinta Itoobiya ee ku sugan gobolka.

“Beegsiga joogtada ah ee lagu hayo suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Muqdisho iyo isku dayga lagu doonayo in lagu xakameeyo hannaanka wartebinta warbaahinta waa xad-gudub weyn oo ka hor imaanaya mabaadii’da xorriyadda saxaafadda ee xorta ah. Suxufiyiintu waxay xaq u leeyihiin inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo aan loo cadaadin inay leexiyaan warbixintooda xirfadeed iyo madax bannaanidooda,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Mumin.

“Waxaan sidoo kale ku baaqeynaa in si degdeg ah loo qaado xannibaadda lagu soo rogay suxufiyiinta ka warbixinaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku boorrineynaa dowladda inay ixtiraamto xuquuqda suxufiyiinta ee ku saabsan inay si xor ah uga warbixiyaan kulamada Baarlamaanka si bulshada ay u ogaato waxa ka dhacaya Baarlamaanka,” ayuu ku daray Mr. Mumin.

Maalinta Caalamiga ee Xog-helidda ah ayaa Bulbul la geeyay xabsiga
MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtembar, 2023 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xog-helidda darteed, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay tallaabadii qasabka ah ee saraakiisha booliska iyo kuwa nabsdsugidda ay ku wareejiyeen, Maxamed Ibraahim Bulbul, Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha SJS oo laga qaaday Saldhigga Booliiska Xamar Jajab, loona wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho maanta oo Khamiis ah 28 Sebtember.

Arrintaan murugada leh ayaa daba socota kadib markii garsooraha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu Isniintii 25 Sebtembar diiday dhammaan eedeymihii 7-da ahaa ee uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku soo oogay Bulbul kuwaasoo ku saleysnaa Xeerka Ciqaabta. Garsooraha, isagoo raacaya diidmo horudhac ah oo ay soo bandhigeen kooxda sharciga ee SJS, ayaa hoosta ka xarriiqay in saxaafaddu aysan ahayn dembi. Bulbul ayaa lagu hayay xabsi sharci darro ah oo aan loo ogoleyn wax xiriir ah tan iyo 17 Agoosto 2023 ka dib markii uu baahiyay warbixin daaha ka qaadday eedeymo musuqmaasuq oo ay ku lug leeyihiin booliska Soomaaliya ee ka qeyb qaadanayay tabobar ay taageeraysay hay’adda Midowga Yurub (EUCAP).

Ka dib tuuristii eedeymaha, waxaanu filaynay in Bulbul la sii daayo; si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado ah in shakhsiyaad gaar ah ay si joogto ah ugu xadgudbayaan xuquuqda Bulbul.

“Laga soo bilaabo Isniintii, ka dib markii garsooraha maxkamadda uu meesha ka saaray eedeymihii uu soo jeediyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, ma jirto eedeymo rasmi ah oo ka dambeeyay. Waxaan filaynay in saaxiibkeen Bulbul la sii daayo. Waxa wax laga xumaado ah, iyadoo aan sharciga la tix-gelin, kuwa beegsanaya Bulbul waxay door bideen inay u geystaan hagardaamo, cagajugleyn iyo dhibaato,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Ahmed Mumin, “Haddii ay wax macno ah leedahay, dhibaataynta Bulbul ee socota iyo u wareejintiisii maanta xabsiga ee lagu soo beegay Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka waxay muujinaysaa mustaqbalka mugdiga ah ee xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya.”

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhibaateynta joogtada ah iyo xarigga aan sharciga ahayn ee lagu hayo Maxamed Bulbul, kaasoo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday shaqadiisa suxufinimo ee uu ku soo bandhigay musuqmaasuqa booliska darteed. Waxaanu dalbanaynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu sii daayo Bulbul,” ayuu yiri Mr. Mumin.

In kasta oo ay jiraan cadaadis iyo hanjabaad joogto ah, SJS waxa ay ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay difaacidda xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka, iyada oo u aqoonsanaysa inay yihiin qaybaha muhiimka ah ee xuquuqaha aadanaha ee bulshadeena.

War Saxaafadeed: Ka Jawaabista Warka Been Abuurka ee Booliska
MUQDISHO, Soomaaliya, 31 August 2023 – Xoghayaha Warfaafinta iyo Xuquuqda Aadanaha Somali Journalists Syndicate (SJS), Maxamed Ibraahim Bulbul wuxuu sifo sharci darro ah ku xiran yahay maalinkii 15aad.

Bulbul waxaa lagula kacay tacaddiyo ay ka mid yihiin jirdil, handadaad, su’aalo qasab ah oo sharciga ka baxsan (oo uu iska diiday), cuntada oo loo diiday, booqashada ehelka, qoyska, saaxiibada iyo xitaa qareennada oo loo diiday.

Ma jirto wax eedeyn ah oo lagu soo oogay illaa hadda. Sidaasi darteedna ma ahan eedeysane.

SJS waxay cambaareyneysaa war saxaafadeed shalay 30 Augusto 2023 lagu faafiyay barta Ciidanka Booliska Soomaaliya kaasoo ay ka buuxeen ereyo sharciga ku xadgudbaya, looguna been abuuranayo Maxamed Ibraahim Bulbul.

Sida uu sheegayo Qodobka 35aad ee Dastuurka Dalka KMG, qofkasta waa bilaa dembi illaa “Maxkamad sharci” ah ku hesho dembi, halka Qodobka 70aad ee XHC uu sheegayo in mas’uuliyadda oogista eedda uu leeyahay Xafiiska Xeer Ilaalinta. Waa yaab e goorma ayuu boolisku noqday Xeer Ilaalin?

Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay cambaareyneysaa falalka handadaada ah iyo isku dayga su’aalo weydiinta qasabka ah ee lagu hayo Maxamed Bulbul. Waxaana ku baaqeynaa in la joojiyo, lana siiyo xorriyaddiisa si deg deh ah. Waa in lala xisaabtamaa kuwii weeraray ee afduubay Bulbul.

Boolisku waa inay baaritaan ku sameeyaan, sharcigana horgeeyaan kuwa musuqmaasuqa lagu eedeeyay. Waa in la joojiyaa beegsiga lagu hayo suxufiyiinta soo baarta ama ka hadasha eedeymaha musuqmaasuqa baahsan ee halakeeyay dalka Soomaaliya.

SJS oo si rasmi ah ugu biirtay IPI
MUQDISHO, Soomaaliya, 28 Luulyo 2023 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ku dhawaaqay ku biiridda rasmiga ah ee Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI), oo ah shabakad caalami ah oo ka kooban tifaftirayaasha, madaxda warbaahinta, iyo ururada saxafiyiinta caanka ah.

Tallaabadan muhiimka ah waxay sii xoojineysaa ka go’naanta SJS ee ku aaddan difaaca xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta iyo ilaalinta xorriyadda hadalka, gudaha Soomaaliya iyo masraxa caalamiga ahba.

Iskaashigan istiraatijiyadeed ayaa sii xoojinaya kaalinta SJS ee ku wajahan u doodista sida adag ee xorriyadda saxaafadda, iyada oo xoojinaysa xubnaheeda marka ay wajahayaan caqabadaha adag ee ka hor imanaya xirfadlayaasha warbaahinta ee Soomaaliya. Ku biiridda Golaha Saxaafadda Caalamiga ah waxa ay astaan u tahay guul muhiim ah oo SJS ay ka gaartay dagaalka aan ugu jirno madax banaanida saxaafadda iyo badbaadada saxafiyiinta.

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta u dabaaldegno guul kale oo muhiim noo ah anagoo si rasmi ah ugu biirnay Golaha Saxaafadda Caalamiga ah (IPI). Ku biiritaankan waxa uu kor u qaadayaa awoodda SJS ee ah in ay si wax ku ool ah ugu doodo xorriyadda warbaahinta Soomaaliya iyo in lagu xoojiyo xubnaheenna waxyaabaha lagama maarmaanka ah si ay ugu gudbaan xaaladaha adag ee ay wajahayaan saxafiyiinta Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS.

SJS oo ah urur saxafiyiin heer qaran ah iyo u doode adag oo xorriyadda saxafadda, ayaa sii wadi doona in si hagar la’aan ah oo geesinimo leh u difaacno xuquuqda saxafiyiinta iyada oo la siinayo gargaar sharci oo muhiim ah warfidyeenka wajahaya kiisaska maxkamadaha ee ka dhashay shaqadooda saxafinnimo. Hadafkayagu waa in aan hubinno in saxafiyiintu ay gudan karaan waajibaadkooda iyaga oo aan ka cabsanayn aargoosi, iskaashigeenna IPI taasi ayuu xoojinaya.

Iyadoo muuqaalka warbaahintu uu is bedelayo, SJS waxa ay weli u heellan tahay horumarinta saxafiyiinta mas’uulka ah iyo difaacidda xuquuqda kuwa sida geesinimada leh u soo tebiya runta. Wada shaqeynteenna IPI waxay xoojineysaa ballanqaadkeena wadajirka ah ee ilaalinta mabaadi’da aas-aasiga ah ee warbaahinta xorta ah iyo madax-bannaanida.

“Waqtiyadan adag, SJS waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay aqoonsadaan doorka muhiimka ah ee saxaafadda xorta ah ee ilaalinta dimoqraadiyadda, kobcinta daahfurnaanta, iyo gaarsiinta dadweynaha xog sax ah,” ayuu sii raaciyay mudane Mumin. “Si wadajir ah, waxaan u dhisi karnaa bulsho qiimeeysa xorriyadda saxaafadda oo qadarisa dadaalka aan daalka lahayn ee saxafiyiinta u halgamaya runta iyo isla xisaabtanka.”

SJS waxa ay aad ugu mahadcelinaysaa Golaha IPI sida uu noogu soo dhaweeyay shabakadiisa qiimaha badan, waxaana aanu balan qaadaynaa in aanu sii wadi doono u ol’olaynta xoriyadda saxaafadda Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan intuba.

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay War-saxaafadeedka lagu marin habaabinaayo kiiska Xoghayaha SJS Abdalle Muumin oo shalay kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.
MUQDISHO,Soomaaliya,1-da Maarso 2023- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareeynayaan War-Saxaafadeedka ku saabsan xarigga sharcidarrda ah ee Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Axmed Muumin oo shalay, Talaado 28-ka February kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qararanka ,kaasi oo ujeedkiisu yahay in la marin habaabiyo dacwadda Xoghaye Abdalle Axmed Muumin.Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo la-tashi la sameeyay qareennada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka walaacsan xarigga Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin iyo warqadda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka  ayaa soo saaray qodobadan hoose.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 28-dii February ,2023 laguma xusin in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ay si baalmarsan sharciga ugu xireen garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xeer ilaalintu waxay Meesha ka saartay in dacwadda Abdalle ay tahay mid ku salaysan warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda,iyadoo Abdalle lagu soo oogay dacwad ku saabsan shirjiraa’id oo ay si wadajir ah xafiiska SJS ugu qabteen bahda Warbaahinta Soomaaliyeed 10-kii October 2022.Dhageysiga maxkamadda ayaana si toos ah looga sii daayay warbaahinta,waana laga heli karaa.

Xafiiska Xeer Iilaalintu hadda sharci uma lahan in uu kiiskan ka hadlo ,waxuuna War-saxaafadeedkan muujinayaa in la siyaasideynaayo dacwadda xoghayaha SJS oo aan loo heyn sabab sharci ah.Waxayna taasi muujinayasaa in Maxkamadda gobalka Banaadir ay wax ka bedal ku sameysay xukunkii asalka ahaa oo ku taariikhaysnaa 13-February 2023.

Qoraalka xeer ilaalintu wuxuu si toos ah u muujinayaa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir ay isla-garteen in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin lagu rido xukun kale oo culus,waxayna Xeer Ilaalintu ku timaamtay Abdalle Muumin in uu yahay “Dambiile”,iyadoo aysan xaq u lahayn in ay si sharci ah u isticmaasho eraygaasi.

Kadib markii ay Maxkamadda gobalka Banaadir ay damaanadda kala noqotay Abdalle Muumin,Maxkamadda Racfaanka ayaa damaanad  ku taariikhaysan 22 October ,2022 ,sumaddeeduna tahay  MRGB/69/2022/BG siisay Abdalle Muumin ,sidaasi darted Maxkamadda gobalka Banaadir xaq uma lahan in ay Abdalle ka qaado Damaanadda .Keliya Maxkamadda Racfaanka ayaa awood sharci u leh in ay la naqoto damiinteeda.

Xeer Ilaalintu waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe in ay si sharci-darro ah ay ku sii daayeen Abdalle Muumin, islamarkaana ay kasoo horjeesteen go’aankii Maxkamadda ,waxayna sheegeen in Abdalle uu ahaa baxsad,balse Abdalle waxaa lagu sii daayay si sharci ah ,wuxuuna ku sugnaa magaalada in ku dhow laba todobaad,kadib markii la sii daayay.Si kastaba, War-saxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa imaanaya wax-kayar 24-saac kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dooday sii socoshada tacaddiyada ka dhanka ah Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ,xildhibaannaduna ay dalbadeen xorriyad usoo celinta Abdalle Muumun si shuruud la’aan ah iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiskan. Baarlamaanka ayaa kiiskan u xilsaaray guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka golaha shacabka in ay soo baaraan oo ay soo diyaariyaan warbixin ku saabsan kiiskan.Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan War-saxaafadeedka marin habaabinta ah ee kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ,kaasi oo ujeedkiisu yahay lagu qaldo ,laguna maran habaaiyo bulshada Soomaaliyeed xaqiiqada ku xeeran kiiskanUrurada Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale si wadajir ah u cambaareenayaan cadaadiska iyo cabsigelinta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Axmed Muumin,waxayna dalbanayaan in s shuruud la’aan ah lagu sii daayo Xoghayaha SJS.Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale ugu baaqayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera in si cad u cambaareeyaan xarigga sharcidarrada ah ee dib loogu geystay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Abdalle Axmed Muumin oo ah si qarsoodi ah oo baalmarsan sharciga dalka ugu xeranXabsiga dhexe ee Xamar.